Dagaal Beeleed Dhiig Uu Ku Daatay Oo Maanta Ka Dhacay Duleedka Magaalada Beledweyne

Dagaal u dhexeeya Labo Maleeshiyo Beeleed ayaa Saakay ka dhacay Deegaanka lagu magacaabo Baar oo u dhow Magaalada Baledweyne, qiyaas ahaana u jirra ilaa 30KM oo dhanka Galbeed ah.

Dagaalka ayaa Sababay Dhimasho iyo Dhaawac,waxaana uu daba socdaa Caruur iyo Haween Shalay lagu dilay Degaankaasi islamarkaana Guryihii ay deganaayeen Dab la qabadsiiyay.

Inta la ogyahay hal Qof ayaa ku geeriyoodey Dagaalka Saakay,waxaana ku dhaawacmay illaa Labo kale, waxaana sidoo kale dagaalka uu sababay barakac ay sameeyeen dadka deegaanka .

Xiisad Dagaal iyo isku Hub Aruursi ayaa ka jirta Degaanka Baar ee Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale ay diriraan labada Maleeshiyo oo weli aan la kala dhax gelin.

Maamulka Gobolka Hiiraan weli wax War ah kama soo saarin dagaalka Saakay ka dhacay Duleedka Baledweyne iyo Carruurtii iyo haweneydii Shalay lagu dilay halkaasi.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE