Dhegeyso Calooshiisa U Shaqeyste Ka Tirsan Shaqaalaha SWISS KALMO Oo Qirey In Wadashaqeyn Kala Dhaxeysa Kooxda Alshabaab

Calooshiisa u shaqeyste ka tirsan Shaqaalaha hey’ad beeleedda SWISS KALMO ayaa wareysi uu siiyey warbaahinta ku sheegay in ay daawooyin iyo agab kale oo caafimaad gaasiiyeen Maleeshiyada kooxda Alshabaab.

Ninkan oo magaciisa ku sheegay Maxamed Cabdi ayaa wareysigiisa ku sheegay in Maleeshiyada kooxda Alshabaab ay yihiin dad Soomaali ah islamarkaana ay kala dhaxeyso wada shaqeyn buuxda, waxaana uu cadeeyey in deegaano badan oo Shabaabka ay maamulaan ay geeyaan dawooyin iyo agab kale.

Hadalka ninkan calooshiisa u shaqeystaha ah ayaa imaanaya iyadoo maalmo ka hor magaalada Marka socdaal qarsoodi ah uu ku yimd Kaaba Mooryaanka ugu weyn SWISS KALMO Cali Cilmi, iskamarkaana agab gudoonsiiyey horjoogayaal Shabaab ah oo xaafado ka tirsan magaalada Marka ku sugan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE