Hogaamiyaha Maamulka Khaatumo Oo Gaaray Magaalada Hargeysa Si Loo Sii Wado Wadahalkii Kala Dhaxeeyey….

Hogaamiyaha Maamulka Khaatumo Dr Cali Khaliif Galleyr ayaa safar wuxuu ku gaaray Magaalada Hargeysa ee Cassimadda Somaliland, waxaana jira warar sheegaya in ay wada kulmeen Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxda labada dhinac ay ka wada hadlen oo ay sii xoojiyen qoddobo ay hore uga wada hadlen, gaar ahaan arrinta magaalada Laas Caanood oo ay ku muransan yihiin Somaliland,Khaatumo iyo Puntland.

Mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland ayaa sidoo kale lagu waddaa in ay gaaraan dalka Jabuuti si ay uga qeyb galaan wadahadalada labada dhinac ay ku yeelanayaan Magaalada Jabuuti.

Safarka Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa ku soo aaday maalin kadib markii ay magaalada Laas Caanood ku dagaalamen ciidamada Somaliland iyo dhalinyarada deegaanka oo hubeysanaa.

Somaliland iyo Jabuuti ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay waxa u socday wadahadalo labada dhinac ah, waxaana horey u jirey qodobo ay ku heshiiyeen, laakiin weli aan dhaqan gelin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE