Jahawareer Xoog Leh Oo Lasoo Dersay Mooryaant Xoogga Ku Haaysta Beeraha Deegaanka Bariire Ee Gobolka Shabeelada Hoose (Warbixin)

Mooryaanta xoogga ku haaysata Beeraha ku yaalla duleedka Bariire ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa xilligan waxa soo wajahay jahawareer xoog leh, iyadoo ay haaysato laba daran mid dooro.

Jahawaeerkan ayaa salka ku haaya ka dib fashil iyo istaraatiijiyad xumo lasoo deristey qorshayaashii ay u dejiyeen inay ku qabsadaan deegaano dhowr ah oo yaalla Gobolka Shabeelada hoose, waxaana cabsida barbar socda sidii ay kusii ceshan lahaayeen dhulka ay xoogga ku joogeen sanadihii lasoo dhaafay.

Dhulka koonfur iyo galbeed ka xiga Degmada Nambar 50, oo u badan dhul beereed ayaa waxa xoog ku haaysta Tuugo lagu kala magacaabo Xuseen Xasan Mooryaan, Daad’uud Mooryaan iyo kuwo kale, waxaana ay ka fakaraayaan isu dayadii ugu dambeeyey.

Xog ay heleyso Shabakadda Markacadey.com ayaa ku waameysa in markan laga quustey isku day Milateri maadaama dhamaan qorshayaasha Milateri ay guul dareysteen, waxaana sida muuqata u cadaatey in kooxda Alshabaab ay sii qaban karin dhulka laga maamulo awooda Ciidan ee deegaanka.

Shirar is daba joog ah oo looga arinsanayo masiirka dhulka xoogga lagu haaysto ayaa weli waxay ka socdaan Beeraha ay  haaystaan Xuseen Xasan Mooryaan iyo Daa’uud Mooryaan, waxaana ay ugu badantahay in ay dalban doonaan wadahadal ay isaga qafiifinayaan duulaanada ay ka cabsi qabaan, waaba hadii ay ku badbaadi karaane.

Waxaan si dhow ula soconaa dhaqdhaqaaqyada iyo shirarka ka socda Beeraha, waxaana akhristayaasheena u balan qaadeynaa in aan usoo gudbin doono hadba wixii soo kordha.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE