Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Oo Ka Qeyb Galay Shir Madaxeedka Dalalka Islaamka (Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuyiyadda Fedaaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo maanta gaaray magaalada Riyaad, ee dalka Sacuudiga ayaa waxa uu ka qeyb galay Shir madaxeedka Dalalka Islaamka.

Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan ayaa maanta daah furey Shir madaxeedka dalalka Islaamka iyo Madaxweynaha Mareekan, waxaana Boqorka Sacuudiga uu ka hadlay sida Sacuudiga ay uga go’an tahay inuu la dagaalamo argagixisada iyo in la abuuro iskaashi dhex mara dalalka Islaamka iyo Mareykanka.

Shirkan oo ahaa kii ugu horeeyey ee noociisa lagu qabto Magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga ayaa waxa diirada lagu saarayey la dagaalanka argagaxisada, xagjirnimada iyo sidii maalgelin loogu lahaa kooxaha la dagaalamaya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE