Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Oo Lagu Soo Dhaweeyey Magaalada Riyaad Ee Dalka Sacuudiga (Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa waxa lagu soo dhaweeyey magaalada Riyaad ee Boqortooyada dalka Sacuudiga.

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha oo maanta ka amba baxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray dalka Sacuudiga halkaas oo lagu qaban doono shir Madaxdaxeedka dowladaha Islaamka iyo Madaxweynaha Mareekanka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa lagu wadaa in dalkaasi uu kula kulmo madaxweynaha dalka Maeekanka donald Trump oo shalay gaaray Magaalada Riyaad.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE