Maleeshiyada Alshabaab Oo Dad Shacab Ah Ka Afduubtey Magaalda Marka

Maleeshiyada kooxda Alshabaab oo Maamula qeybo mid ah magaalada Marka ayaa Afduubtey dad Shacab ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Dadka la afduubtey oo gaaraya ilaa seddax qof ayaa kooxda habeennimo waxay kala baxeen guryahooda waxaana la sheegayaa in ay ula dhaqaaqeen deegaanada Xeebta ee Bariga Magaalada Marka.

Seddaxda qof oo muddo afar habeen ah aan lagu ogeyn Geeri iyo nolol ayaa waxaa noo suura gashay in aan helno laba ka mid ah magacyada dadka u afduuban A lshabaab oo kala ah Ismaan yarrow iyo Maxamuud Xuseen.

Sida Markacadey.com ay u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Ehelada dadkan la afduubtey, waxay qabaan tuhun ah in Wiilashooda lagu haayo deegaanka Gendershe oo xabsiyo qarsoodi ah ay ku yaallaan, ilaa hadana ma oga sabata afduubkan keentey.

Dad badan oo kasoo jeeda Shabeelada hoose ayaa dhibane u ah Isbaheysiga Mooryaanta Habargidir iyo Maleeshiyada kooxda Alshabaab, waxaana ay ku heshiiyeen in ay dhibaatooyin joogta ah ku hayaan Shacabka aan hubeysneyn.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE