Maleeshiyada Alshabaab Oo Xukun Dil Iyo Musaafurin Ka Fulisey Deegaan Ka Tirsan Gobolka Galguduud

Wararka ka imaanaya deegaanka Galhareeri ee Gobolka Galguduud ayaa ku waramaya in halkaas Maleeshiyada Kooxda Alshabaab ay ka geysteen fal dil ah oo ay ku fuliyeen nin dhalin yara ah.

Dilka oo dhacay saake ayaa wararku waxay sheegayaan in Alshabaab ay ku fuliyeen nin magaciisa lagu sheegay Saciid Maxamed Faarax, waxaana ninkan lagu eedeeyey in horey uu u dilay nin kale xoola dhaqata ahaa.

Sidoo kale Kooxda Al Shabaab ayaa xukuno ku riday wiil iyo gabar ay sheegeen inay ku dhaceen fal gogol dhaaf ah, kuwaasi oo lagu xukumay min 100 jeydal, Ubax Xassan Muuse oo 17 sano jir ah iyo Abshir Maxamed Cumar oo 20 jir ah ayaa Shabaab waxa kale oo ay ku xukumeen in deegaanka laga masaafuriyo muddo sanad ah.

Haweeneyda lagu eedeeyeey in ay gogol dhaaf sameysay ayaa xukunkeeda karrbaashka ah dib loo dhigay, waxaana aintaas loo sababeeyey ka dib makii Gabadha lagu arkay Uur lex bilood, iyadoo la sugi doono inta ay ka Umuleyso.

Inta badan deegaanada ay maamulaan kooxda Alshabaab ayaa waxa ka dhaca xukunno kala duwan waxaana Maxkamadaha Shabaabka lagu eedeeyaa in  ay fuliyaan xukunno ay u haaynin qiil iyo cadeymo ku filan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE