Shikadda Diyaaradaha Daallo Oo Duulimaad Cusub Ka Bilowdey Deegaanada Puntland (Sawiro)

Shikadda Daallo Airline ayaa duullimaad qad cusub waxay ka bilowdeyomagaalada Boosaaso ee xarunta Magaalada Ganacsiga ee Puntland ahna magaala Madaxda Gobolka Bari.

Duullimaadkan cusub oo qadkiisu noqon doono Boosaaso toos Dubai ayaa waxa loogu talagalay diyaarad casrri ah oo nooceedu yahay A320, taas oo rakaab ahaan qaadeysa 150 iyo qof oo dheeraad ah kuwaas oo loogu talagalay qeybta VIP-da.

Xafladd lagu daah furaayey duulimaadkan cusub ayaa waxa ka qeyb galay marti sharaf kala duwan, waxaana dhamaan ay amaaneen shirkadda Daalo oo markii ugu horeysay blaawdey duulimaad Boosaaso Tu Dubai ah.

Maalin kasta oo Sabti diyaaradda waxay rakaab ka qaadi doontaa Boosaaso halka maalin walba oo Axad ah ay sameyn doonto duulimaad toos ah Dubai Tu Boosaaso.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE