Deg Deg Dab La Qabad Siiyey Deegaanka Nagaada-weyne Iyo Rasaas Culus Oo Deegaanka Ka Socota

Maleeshiyada kooxda Alshabaab ayaa gabal dhicii caawa weerar ku qaadey deegaanka Nagaada-weyne oo ku dhow deegaanka Ceelwaeegow ee Gobolka Shabeelada hoose.

Wararka nasoo gaaraya ayaa ku waramaya in deegaanka Rasaas culus ay ku fureen oo dadka ay ku kala Eryanayeen, waxaana intaas ka dib ay bilaabeen in ay gubaan guryaha ay ka carareen dadka Shacabka ah.

Inkastoo isgaarsiinta deegaanka ay tahay mid liidata ayaa hadana waxa lasoo sheegayaa in guud ahaan xaaladda ay tahay mid khasan, waxaana banaanka loo saaray dadkii Shacabka ah ee Tuulada ku dhaqnaa.

Deegaanka Nagaada-weyne ayaa ka mid ahaa Tuulooyinkii bartamahii sanadkii hore laga gubay Ceelasha ay dadka ka dhaansan jireen ayaa waxay ka mid aheyd tuulooyinka fara ku tiriska ah ee dadka ay kusoo qaxeen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE