Dhageyso Gudoomiye Maxamed Cusmaan Cali Yariisow “Nabad-Diidka Alshabaab Waan Ka Fashilinay, Meelo Badan Oo Ay Soo Weerareena Waa Ku Jabeen”

Gudoomiye Maxamed Cusmaan Cali Yariisow oo caawa Wareysi siiyey Idaacadda Danan ayaa faafaahin ka bixiyey weeraro qorsheysan oo deegaano kala duwan ay kusoo qaadeen Maleeshiyada duur ku jirta ah ee Alshabaab.

Yariisow ayaa maka hore sheegay in ay fashiliyeen weeraro jihooyin kala duwan ay kasoo qaadeen Alshabaab oo ay ku damacsanaayeen inay ku barakiciyeen dadka ku dhaqan Tuulooyinka ku yaalla Gobolka Shabeelada hoose.

Waxa uu sheegay in deeganada qaar ay kula dagaalameen Alshabaab oo ay ka hor istaageen inay gubaan Guryo badan, waxaana uu qirey in uu jirrey abaabul xoogan oo ay ku doonayeen inay ku baabi’yaan deeganada ay weerarka kusoo qaadeen.

Dhinaca kale waxa uu eedeymo u soo jeediyey Maamulka Shaiif Sakiin ee fadhiidka ku ah magaalada Baydhabo, waxaana maamulkaas uu ku sheegay mid u dhisan Gobolada Baay iyo Bakool.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE