Dhageyso Madaxweynaha Soomaaliya Oo Kulan Kooban La Qaatey Dhigiisa Dalka Mareekan

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa kulamo ku yeeshay magaalada Riyad ee dalka Sacuudi Carabiya, kaddib markii la soo gaba gabeeyay shir madaxeedkii Madaxda dalalka Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka codsaday dowladda Mareykanka in Soomaaliya gacan weyn laga siiyo sidii Al-Shabaab dalka looga saari lahaa, Iyadoo Dowladda Mareykanka ayaa ballan qaaday in 100% ay Dowladda Soomaaliya ka taageereyso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in labada Madaxweyne ay ka wada hadleen arrimaha la dagaalanka Al-Shabaab iyo sidii dowladda Mareykanka ay gacan buuxda uga geysan laheyd.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE