Dhageyso Sheekh Nuur Baaruud Oo Qaar Ka Mid Ah Maamul Goboleedyada Dalka Ku Eedeeyey Inay Musuqmaasuqeen Gaagaarkii Abaaaha

Iyadoo ay soo baxayeen warar la xiriira in la musuq maasuqey Lacagihii gargaarka ahaa ee loogu talagalay dadka ay haayso Abaarta ayaa Gudiga Abaaraha ee qaranka waxay daboolka ka qaadeen musuqii ugu xumaa ee lagu kacay gargaarka.

Gudoomiyaha Gudiga Gurmadka qaranka Sheekh Nuur Baaruud oo ka hadlaayey kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la musuqmaasuqey lacago ay ugu talagaleen Abaaraha, waxaana musuqaas uu ku eedeeyey Maamulada K/galbeed iyo Galmudug.

Sheekh Nuur Baaruud ayaa sheegay in jeebka lagu ritey lacagihii ay u dhiibeen maamulada qaar, isagoo ugu baaqey Madaxda dowlada inay ka dhabeeyaan balan qaadkii ahaa inay la dagaalamayaan Musuqa, waxaana uu si adag uga hadlay in jeebka lagu shubtey lacagihii ay dhiibeen.

Ma uu ka hadlaayey ogaalkooda lacagta la lunsadey ayuu sheegay in ay haayaan cadeymo ku filan oo saabsan sida lacagahaas loo lunsadey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE