Gudoomiyaha Degmada Nambar 50 Oo Safaro Shaqo Ah Ku Jooga Magaalada Muqdisho (Warbixin)

Gudoomiyaha degmada Nambar 50 Cabdulaahi Cali Axmed (Waafow) ayaa howlo shaqa ah u yimid magaalada Muqdisho ka dib makii casuumaad uu ka helay Taliska Ciidamada Midowga Afrika ee Xaruntiisu tahay Saldhigga Xalane.

Cabdulaahi Waafow oo safar dhulka ah ku soo gaaray Muqdisho ayaa kulamo horudhac ah la qaatey Saraakiil ka tirsan Midowga Afrika, waxaana jiri doono kulamo uu Gudoomiyaha la qaadan doono Taliyaha ugu sareeya Ciidamada AMISOM Genaaal Subagle iyo Saraakiil cadaan ah.

Sida aan ku helnay warbxinta Madaxda ayaa Gudoomiyaha kala tashan doona arimaha ay ka midka yihiin la dagaalanka Alshabaab, dib u xoreynta deegaanada Shabeelada hoose, kaalinta mugga leh ee uu ka geysan karo shaqadaasi iyo sidii Gobolka uu u noqon lahaa meel ka caagan duur ku jirta Alshabaab.

Waxa jira warar sheegaya in Gudoomiyaha laga yaabo in uu safar ku tago Taliska Ciidamada Mareekanka ee ku yaalla Garoonka Balli-doogle si kulamo wadatashi ah uu ula soo yeesho Saraakiil cadaan ah oo isugu jira Faransiis iyo Mareekan oo halkaasi xarumo ku leh.

Arimaha ugu weyn ee dhinacayada ay ka wada hadli doonaan ayaa sida naloo sheegay waxa ugu muhiim dhismaha Ciidan xoog oo uu yeesho Gobolka kuwaas oo la aaminsanyahay inay yihiin cududda kaliya ee ku guuleysan karta inay Shabaab kaga adkaadaan iyo ka wadashaqeynta sidii loo wiiqi lahaa Alshabaab.

Wixii kusoo kordha halkan ayaan kusoo gudbin doonnaa

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE