Gudoomiyaha Nambar 50 Oo Xarunta Xalane Ee Magaalada Muqdisho Kulan Kula Yeeshay Odayaal Iyo Mas’uuliyiin Ka Tirsan Beesha Biimaal (Sawiro)

Magaalada Muqdisho waxa safar shaqa ah ku jooga Gudoomiyaha Degmada Nambar 50 Cabdulaahi Cali Axmed (Waafow), waxaa maanta Xarunta Xalane ee Gudoomiyaha ku sugan ku booqdey Odayaal iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha Biimaal.

Odayaasha ayaa waxa ka mid ahaa Nabadoon Maxamed Abuukar Timagaduud, Nabadoon, Daa’ud Hudle iyo Nabadoon Xasan Cali Cumar, waxaana siyaasiyiinta  laga xusi karaa Macallin Bare oo ka mid ah Xildhibaanada Maamulka K/galbeed.

Arimaha ay ka wada hadleen ayaa waxa ka mid ahaa, waxay wabixinno iska siiyeen xaaladda ay ku suganyihiin dadka iyo deegaanka xilka loo qaaday iyo arimaha la xiriira sidii iskaashi looga yeelan lahaa dhibka iyo nolosha liidata ee ay ku jiraan Shacabka Shabeelada hoose.

Shirkan waxa kasoo qeyb galay Madaxa Arimaha Bulshada Ee Ciidamada AMISOM si uu Odayaasha uga dhageysto gabood fallada iyo tacadiyada bina aadannino ee ka jira ee Gobolka Shabeelada hoose.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE