Maleeshiyaad Isbaaro U Tiilley Inta U Dhaxeysa Shalambood Iyo Danow Oo Dagaalamay Iyo Mid Ka Mid Ah Hojoogayaasha Maleeshiyaadka Oo Dhaawac Culus Uu Soo Gaaray

Waraka aan ka heleyno deegaanka  Kabtaan-laas oo dhaca Koonfuta Shalambood ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in halkaas maanta ay ku dagaalameen Maleeshiyaad in muda ah Isbaaro u tiilley.

Maleeshiyaadkan oo kala wata Magacyada Habargidir iyo Gare ayaa isku qabtey Isbaaro lagu qaato lacago baad ah oo tiiley Isgoyska Kabtan-laas oo ku yaalla Wado istaaatiiji oo isku xita Janaale, Shalambood iyo Buulamareer.

Sida aan warka ku heleyno Maleeshiyadan ayaa waxa ka dhex dhacay dagaal kooban oo leysku aaba yeelin, waxaana halkaas ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dhinac dagaalamay soo gaaray.

Warbxin ka helnay Maamulka Degmada Qoryooley ayaa noo xaqiijiyey in horjoogaha Maleeshiyada Garre oo lagau magacaabi jirey Indha-buur iyo laba ka tisan istaafkiisa uu soo gaaray dhawac halis ah.

Xiisadda labadan Maleeshiyo ayaa waxa maanta si weyn looga dareemay deegaanka Shalambood oo Isbaaro kale oo bahwadaag ay ku yihiin ay taallo, waxaana Isbaarada lagau dagaalamay hadda ku sugan Maleeshiyaad ka amar qaadata Kaaba MooyaanoXasan Jaamici.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE