Maleeshiyada Alshabaab Oo Caawa Afduubatey Ibaahim Siidcali Ooboy Iyo Odayaal Dhaqameed Ku Dhaqnaa Deegaanka Nagaada-weyne

Iyadoo Wararkeena hore aan ku sheegney in caawa weerar lagu qaadey  deegaanka Nagaada-weyne ee ku dhow deegaanka Ceelwareegow ayaa warar hadda soo baxaya waxay sheegayaan in la afduubtey Odayaal dhaqameed deegaanka ku dhaqnaa.

Ilaa hada ma haayno tirada rasmiga ah ee Odayaasha la afduubtey, hase ahaatee Tuulooyin kala duwan ayaa caawa weerarka uu saameeyey, waxaana dab la qabad siiyey Tuulooyinka kala ah Nagaada-weyne, Garasweynow Maleele, Cambanaane, Sagaaroole iyo Buula-xamaali.

Dadka la afduubtey oo qaakood  aan helnay magacyadooda ayaa waxa ka mid ah Ibraahim Siidcali Oobooy, Cabdulaahi Macallin Ibraahim, Siidow Buuri, Ibaahim Xaajow iyo kuwo kale oo aan magacyadooda helin.

Lama oga halka loola dhaqaaqey dadkan oo caawa ay qafaasheen Maleeshiyada Duur ku jirta ee Alshabaab, waxaa caawa qal qal iyo xasilooni la’aan ku jira Shacab u badan haween iyo caruur oo ku dhaqan deegaanada Laamiga Koonfur ka xiga.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in xoolo u badan Lo’ laga dhacey deegaanada Fida-lawi iyo Gandaawi oo duleedka ka xiga magaalada Marka, mana cadda in deegaanadan laga watey Odayaal.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE