Taliska Ciidamada Ammaanka Magaalada Marka Oo Amar Deg Deg Ah Soo Saaay

Taliska Ciidamada deegaanka ee Maamulka Magaalada Marka ayaa soo saaray amar ku socda dhamaan Ciidamada hubeysan ee magaalada ku sugan, gaar ahaan kuwa ka hoos shaqeeya Taliska Milateriga.

Amarkan oo soo baxay Maalinimadii shalay ayaa waxa Ciidamada lagu faray in ay ku xaroodaan Saldhigga ay ku leeyihiin deegaanka Buufow-bacaad, islamakaana Shacabka ay kala dhex baxaan hubka ay wataan.

Taliska ayaa sheegay in magaalada loo ogolyahay kaliya kuwa jooga furimaha ee lagu dagaalamayo cadowga deegaanka, kuwa kasoo haray ayuu sheegay in looga baahanyahay shaqooyin kala duwan.

Lama ilaa hadda tallaabada Taliska Milateriga deegaanka uu kaga gol leeyahay in Ciidamadan lagu xareeyo Saldhigga Buufow-bacaad hase ahaatee waxa jira warar  sheegaya in ay isku diyaarinayaan howlgallo ay ku xoreynayaan deegaanada ay haraadiga ku yihiin Cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE