Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaal Kooban Oo Ka Dhacay Duleedka Muuri, Iyo Col. Maxamed Abuukar Owliyo Oo Kala Raac-cadeeyey Maleeshiyada Duur ku Jirta Ee Alshabaab

Dagaal kooban ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa uu ka dhacay duleedka deegaanka Muuri ee Gobolka Shabeelada hoose, kaas oo u dhaxeeyey Maleeshiyada naflacaariga ah ee Alshabaab iyo Ciidamada Deegaanka.

Weerar dhuumasho ah oo ay ku soo qaadeen Miyi ah oo Koonfur kaga beegan Muuri ayaa waxa ku baxay Ciidamada deegaanka ee saldhigga ku leh Muuri, waxaana halkaas ka dhacdey rasaas kulul oo dhinacyada ay is dhaafsadeen.

Inta Ciidamada deegaanka ay gaarin halka weerarka uu ka dhacay ayaa waxa jirey Guryo u badnaa Baco iyo Maro oo ay dab qabadsiiyeen, waxaana markii dambe dabkaasi ka hor tagay Ciidamada halkaasi gaaray.

Dadka deegaanka ayaa noo xaqiijiyey in Maleeshiyada Alshabaab ay nolosha ku wateen Macallin Dugsi iyo Kitaabtii uu qur’aanka baraayey, waxaana ay ula dhaqaaqeen dhinaca degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelada hoose.

Sida warbixinta aan ku helnay ilaa laba qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaalkii lagu qaadey duleedka Muuri, waxaana si nabad ah kusoo laabtey Ciidamada dagaalka la galay Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE