Ciidamada Maamulka Marka Oo Dagaal Gaadiid Lagu Gubay Ku Qabsadey Deegaanada Busley Iyo Cambanaane

Ciidamada Maamulka Magaalada Marka ayaa weerar rogaal celin ah maanta ku qaaday deegaanada ay dhibaatada ka wadaan Maleeshiyada Duur ku jirta ah ee kooxda alshabaab.

Deegaanada Ciidamada ay weerareen ayaa ah kuwo inta badan laga soo abaabulo weeraro lagu dhibaateeyo Shacabka, waxaana maanta halkaas howlgal culus ku qaadey Ciidamada difaaca Maamulka Marka.

Deegaanada Busley Iyo Cambanaane oo kaabiga ku haaya Degmada Janaale ayaa markii ay gaareen Ciidamada waxa iska caabin kala hor yimid Maleeshiyaad halkaasi ku sugnaa, waxaana dharbaaxo kulul ay kala kulmeen Ciidamada oo u diyaarsanaa inay iska hor leexiyaan isku day kasta oo ay la kulmaan.

Dadka ku dhaqan deegaanka Cambanaane ayaa noo sheegay in ay Maleeshiyada Alshabaab ay ku jabeen dagaalka islamarkaana ay u baxsadeen dhinaca Janaale, waxa sidoo kale ay xaqiijiyeen gaari caasi ah oo ay ka carareen Mooryaan diimeedka Alshabaab halkaas lagu gubay.

Ciidamo isla kuwa deegaanka ah ayaa dagaal la’aan kula wareegay deegaanka Busley, halkaas oo iyadana ka mid aheyd deegaanada saldhigyada u ah kooxda Alshabaab, ahna deegaanka uu ka dhacay heshiiska Mooryaanta Gobolada dhexe iyo Tuugada Alshabaab.

Lama oga in Ciidamada deegaanka ay halkaas sii joogi doonaan ama uga gudbayaan deegaano kale oo hor leh, dhinaca kale Ciidamada halkaasi gaarey ayaa waxay fursado siiyeen  dadka Shacabka oo loo diidey in ay qaxaan.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE