Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Duleedka Nambar 50 Iyo Meydadka Alshabaab Oo Bilqan Deegaanka Aboocow

Dagaal culus ayaa saake markale waxa uu ka dhacay deegaanka Aboocow oo duleedka Waqooyi ka xiga degmada Namba 50 ee Gobolka Shabeelada hoose.

Sida aan ku heleyno warbixinta dagaalka ayaa yimid ka dib markii xalay Alshabaab halkaasi ay uga tageen laba Meyd ah oo saake ay ugu talagaleen in ay qaataan, waxaana ku baxay Ciidamada Maamulka Namba 50, oo halkaas dagaal adag kula galay.

Saaakiisha Ciidamada deegaanka ayaa noo xaqiijiyey in seddax meyd oo dheeraad ah Alshabaab saake ay ka carareen, waxaana deegaanka Aboocow xalay ilaa maanta ka yaalla shan meyd oo bucad diimeed ah kuwaas oo u socdey in ay barakciyaan dadka deegaanka.

Dhinaca kale sarkaalka la hadlay Markacadey.com ayaa sheegay in dhinacooda uu jiro khasaare laba askar oo dhaawac ahaan goobta dagaalka looga soo qaadey ayuu sheegay in mid ka mid ah uu shahiidey, waxaana uu Alla uga bayey mujaahidkaas dhiiga u hurey Caradiisa in uu Janada ka waraabiyo.

Weli xaalad kacsaan ah ayaa ka jirta deegaanka Aboocow oo qiyaas ahaan seddax km dhinaca Waqooyi Bari uga beegan Degmada Namba 50.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE