Dhageyso Haweeney Xalay Gurya La’aan Ay Dhigeen Maleeshiyada Alshabaab Oo Ka Warantey Tacadiyadda Lagula Kacay

Waxa xalay banaan cidla ah oo saaxiib ah dhaxan iyo dabeylo ku hoydey qoysas  badan oo si xaq daro ah guryaha  ay uga gubeen Alshabaab, ayaa qaarood waxay la hadleen warbaahinta.

Mid ka mid ah haweenkii xalay cidlada ku hoydey oo dhabta ku wadata caruurteeda ayaa waxay ka sheekeysey tacadiyada lagula kacay, waxaana ay sheegtey in si naxriis dara ah lagula dhaqmey qoysas badan oo ay wada deganaayeen.

Waxay kaloo sheegtey in Macallin dugsi qur’aan ah iyo ilmo uu dugsiga ku haayey laga watey deegaanka, waxay baaq dheer u dirtey dowlada Fedaraalka ee Soomaaliya oo tallaabo kasoo qaadi la’a magaalada Muqdisho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE