Hambalyo Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Gaar Ahaan Gudoomiyaha Dharkeynley Engineer C.raxmaan Siid Cali (Sawiro)

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqey Gudoomiyeyaashaa degmooyinka Gobolka, waxaana Gudoomiyaha uu xilkii ka qaadey ilaa 15 Gudoomiyeyaal degmo, waxaana  xilalkaasi loo magacaabay Xubno cusub.

Mas’uuliyiinta la magacaabay ayaa waxa ku jira ilaa afar haween ah, waana markii ugu horeysey oo tiro haween oo intaasi la’eg lagu soo daro Gudoomiyeyaasha, waana tallaabo hormar leh oo raja wanaagsan gelisey guud ahaan Hablaha Soomaaliyeed.

Liiska soo baxay ayaa waxa kale oo ku jira tallaabo labaad oo u muuqata mid horumar leh, waxaana kasoo dhex muuqdey Beelo Soomaaliyeed oo magaalada Muqdisho ay ka sooceen qabqablayaal kasoo jeeda Gobolada dhexe islamakaana islaheysiiyey Caasimadda Umadda.

Gudoomiyaha Degmada Dharkeyn Engineer Cabdiraxmaan Siidcali ayaa ku jira liiska lasoo saarey, waana Nin dhalin yara ah oo in mudda ah kusoo jirey siyaasadda dalka, waxaana sanadkii hore uu u tartamey mid ka mid ah kuraasta Xildhibaannimo ee Beesha Biimaal ee lagu soo doortey Magaalada Kismaayo, waxaana kusigaas kaga guuleystey Wasiirka Xanaanada xoolaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan.

Gudoomiyaha Degmada Dharkeynley Mudane C.raxmaan Siidcali

Kartida iyo dul qaadka uu u leeyahay siyaasadda ama xil raadinta ayaa sababtey in uu raadsado xilka Gudoomiye degmo oo Gobolka Banaadi ah, waxaana ugu dambeyn uu ku guuleystey Gudoomiyaha Degmada Dharkeynley.

Engineer C.axmaan ayaa Sanadii 2014-kii kasoo qalin jabiyey dugsi Tawabar oo ku yaalla Dalka Suudaan, halkaas oo muddo hal sano ah uu ku qaadanaayey tawabarka Leyli Sakaal, isagoo ka mid ahaa dhalinyaro daroojin ku helay aqoonta ay kala soo laabteen dalka Suudaan.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Siidcali ayaa marka hore waxaana alla uga rajeeneynaa inuu ku ilaaliyo xilkiisa, waxaa marka xigta aan leenahay Gudoomiyaha Hambalyo waxaad heshay xil aad mudnaanteeda leedahay oo aanay jirin cid kale oo kaa mudan maadaama uu nasiibku ku saacidey.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE