Maamulka K/galbeed Oo Si Adag Uga Hadlay Dagaalada Shabeelada Hoose “Afduub Iyo Guryo La Gubay Alshabaab Deegaanka Kuma Qabsanaayaan” (Video)

Maamulka Koonfur galbeed ayaa wuxuu si adag uga hadlay dagaalada ka socda Shabeelada hoose ee u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Deegaanka iyo Maleeshiyada kooxda Alshabaab.

Shir jaraa’id oo si wada jir ah ay u qabteen Madaxweynaha K/galbeed Shaiif Xasan Sheekh Aadan, Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Maleeshiyaadka iyo Wasiirka Beeraha, ayaa marka hore waxa guubaabo iyo hambalyo loogu jeediyey Geesiyaasha deegaanka ee hor istaagsan Maleeshiyada Ashabaab.

Waxaana Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Maleeshiyaadka uu sheegay in guryo la gubo iyo Odayaal la afduubtey aan lagu qabsan karin deegaanada weerarada lagu soo qaadayo, wuxuu ugu baaqey Shacabka inay ku dhabar adeegaan dagaalka ay kula jiraan tuugada Burcad-diimeedka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka K/galbeed ayaa dhankiisa sheegay inay garab buuxa siinayaan Ciidamada geesiyaasha ah ee hortaagan Cadowga Umadda Soomaaliyeed, wuxuu ugu baaqey dowlada iyo beesha Caalamka inay gargaar gaarsiiyaan Shacabka la barakicyey.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa xooga dalka ayuu farey inay garab istaagaan Ciidamada naftooda u hurey difaaca deegaanka.

Hoos ka daawo Muuqaalka Shirka Jaraa’id

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE