Wararkii Ugu Dambeeyey Xaaladda Deeganadii Ay Xalay Gubeen Bucad-diimeedka Alshabaab Iyo Xoolo U Badan Geel Oo Saake La Dhacay

Waxa saake weli xaalad kacsanaan ah laga daeemayaa deegaano dhowr ah oo ay soo weerareen Maleeshiyada Kooxda Alshabaab, kuwaas oo inta badan gubay guryihii ku yiillay deeganada la weerarey.

Deegaanada kala ah Nagaada-weyne, Buul-xamaali, Sagaaroole, Cambanaane, Badar iyo kuwo kale oo dhamaantood ku yaalla meel ku dhow Janaale ayaa waxa gubay Alshabaab, iyagoo afduubtey Odayaal deegaanka ku dhaqnaa.

Ku Dhawaad labaatan Odey ayaa xalay ku hoydey xabsiyo ku yalla deegaanada ay Shabaabku maamulaan, dhinaca kale Waxa jira xoolo ay dhaceen oo ay u qunsadeen dhinaca deegaanka Hanti-wadaag.

Warar ay heshay Markacdey.com ayaa ku waramaya in 15, Neef ari isla xalay lagu qashay deegaanka Mubaarag, waxaana sida muuqata loo bareeray dhaca hantida Umadda iyo dhigooda.

Deegaanka Hareeraley oo ku yaala Waqooyig Ceelwareegow ayaa aroornimadii Saake waxa laga dhacay Geel gaaaya ilaa 42 Neef, waxaana loola dhaqaaqay dhinaca Degmada Janaale.

Shacab badan ayaa xalay Mooryaanta Alshabaab ay bideen guryo la’aan iyo xoolo la’aan, waxaana Shacabkaas qaarkood saake ay gaareen magaalada Marka si ay helaan Nolol iyo meel ay ku nagaadaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE