Weerar Dad Badan Ay Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Magaalada Manchester Ee Dalka Ingiriiska (Sawio)

Illaa 19 ruux ayaa ku geeriyootay tira kalana dhaawac ayaa kasoo gaaay qarax weyn oo xalay ka dhacay goob ka socotay xaflad oo ku taala magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska.

Qaraxan ayaa la aaminsan yahay inuu ahaa mid ismiidaamin ah oo qof xirnaa jaakadaha qarxa uu isku qarxiyay afaafka hore goob uu ka socday bandhig dhinaca heesaha, ay daawanayeen dad weyne badan.

Goobtan ayaa waxaa heeso ka qaadeysay Fanaanada reer Mareykan ee lagu magacaabo Ariana Grande, Waxaa la xiray dhamaan goobaha laga raaco tareenada, waxaana socda baaritaano ay wadaan ciidamada dambi baarista dalkaasi.

Raysalwasaaraha Ingiriiska Theresa May ayaa weerarkan ku tilmaamtay mid bahalnimo ah oo lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen caruur iyo dhalinyaro aad u da’a yar oo u badan gabdho goobtaasi ku dabaaldegayay.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE