Xog Halkee La Geeyey Odayaashii Ay Afduubteen Maleeshiyada Alshabaab

Maleeshiyada argagaxisada ah ee kooxda Alshabaab ayaa xalay deegaanao dhowr ah oo ku yaalla Gobolka Shabeelada hoose ka afduubtey Odayaal dhaqameed kuwaas ay ula dhaqaaqeen deegaanka Hanti-wadaad ee duleedka Janaale.

Odayaashan oo gaaraya ilaa in ka badan labaatan Ruux ayaa waxa warar kala duwan uu kasoo baxayaa halka lagu haaysto, waxaana soo baxaya warbixinno dhowr ah oo aan heleyno.

Sida ay sheegeyso xogta Odayaasha ayaa duhurnimadii maanta waxa la geeyey Degmada Janaale, waxaana halkaas kula kulmay horjoogayaal, iyagoo loosoo gudbiyey deegaanka Malable oo u dhaxeeya Janaale iyo Awdheegle.

Waxa jira tuhun ah in lagu kala qeybsanyahay afduubka Odayaashan, waxaana taasi cadeeneysa in horjoogayaasha qaarkood ay weydiiyeen sababta keentey in la qafaasho Odayaal aan u hubeysneyn oo guryahooda loogu talagay, waxa arinkaasi ay ugu jawaabeen maleeshiyadii gacanta ku haayey in ay ku shaqeenayaan amar sare.

Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno halka  lagu haaysto Odayaasha ayaa sheegaya in lagu xirey xabsi weyn oo yaalla Deegaanka Mubaarag, mana la oga in halkaas caawa laga bixin doono iyo inay kusii jiri doonaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE