Deg Deg Dagaal Culus Oo Hada Ka Socdey Degmada Nambar 50 Gobolka Shabeelada Hoose

Wararka naga soo gaaraya Degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in dagaal culus lagu soo qaadey degmada ka dib markii ay soo weerareen Maleeshiyada Kooxda Alshabaab.

Dagaalka ayaa sida warbixinta aan ku helayno ka qarxay  gudaha Degmada, waxaana si dhuumasha ah kusoo galey mooryaanta Shabaab, waxaa rasaasta xoogeeda ay ka socota dhinaca Bari ee saldhigga Nambar 50, halkaas oo ay isku heleen Ciidamada maamulka iyo maleeshiya alshabaab.

Rasaas xoogan ayaa dhinacyada waxay ku dhexmareysaa qeybo ka mid ah magaalada gudaheeda, waxaana difaac adag ku jira Ciidamada Maamulka oo si ay u badantahay dagaalka uu ka dul yimid.

Waxa jira khasaare hordhac ah oo ay ka dhashay dagaalka kaas oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo weli xaaladda aan la cabiri karin.

Dhinaca kale Dagaalka culus ayaa wuxuu ka socdaa deegaanka Muuri, waxaana war buuxa aan laga haaynin dagaalka Muuri, maadaama ay adagtahay in helo dad warbxin kaa siiya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE