Dhageyso Gudoomiyaha Degmada Nambar 50 “Alshabaab Beesha Biimaal Ma Barakicin Karto, Tii Caawa Ku Dhacdey Mid Ka Xun Ayaan U Diyaariney”

Gudoomiyaha degmada Nambar 50 Cabdulaahi Cali Axmed Waafow oo maanta dib ugu laabtey degmada ayaa waxa uu faafaahin ka bixiyey dagaalkii cuslaa ee caawa ay soo qaadeen Maleeshiyada Kooxda Alshabaab.

Ugu horeyn Gudoomiayaha ayaa sheegay in ay jihooyin kala duwan ay kasoo weerareen degmada ayna soo dagaal geliyeen Maleeshiyaad gaaraya ilaa afar boqol oo maleeshiya ah kuwaas oo ay ugu talagaleen in ay degmada ku qabsadaan.

Waxa uu tilmaamay in jab xun ay la kulmeen ayna hayaan Meydad gaaraya ilaa shan ruux, iyo hub ay ka furteen kuwii caawa weerarka soo qaadey, wuxuu saxaafadda u balan qaadey in uu soo bandhigi doono Meydadkooda iyo hubka ay furteen.

Mudan Waafow ayaa amaan usoo jeediyeyCiidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo Ciidamada Maamulka ku caabiyey Madaafiic dagaalka ay kaga qeyb qaateen, wuxuu mar kale dhaliiiley Dowlada fedaraalka oo uu sheegay in ay ku hungoobeen baaqyo dhowr ah oo ay u gubiyeen.

Cabdulaahi Cali Axmed Waafow ayaa Geesiyaal ku tilmaamey ShacabkaBeesha Biimaal oo diidey in ay dulleystaan Mooryaanta Alshabaab, waxaana uu u balan qaadey in ay ka difaaci doonaan cadow kasta oo soo hujuuma.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE