Dr Gaas Oo Lashiray Shirikaad Waaweyn Oo Maal Gashi Dalka Finland Caasimada Helsinki (Sawiro)

(Maalintii labaad iyo kulamadii Madaxwaynaha & wafdigiisa)

Waxaa shalay kulan gaara wada qaatay madaxwaynaha puntland dr gaas iyo shirkado maal gashi oo ka jira dalkan Finland.shirkaas oo dhex maray wafti heer sare ah oo hogaaminayo madaxwaynuhu iyo madax ka kala socotay shirkado maal gaashi.waxaa laga wada hadlay fursadaha uga banaan shirkadahan soomaaliya guud ahaan iyo gaar ahaan Puntland.

Sida aad la socotaanba waayadan danbe waxaa dalalka galbeedku gaar ahaan maraykanka iyo ingiriisku ku hawlan yihiin sidii looga wada macaashi lahaa kharaadka yaala dalka soomaaliya,iyadoo nin walbaa doonayo in uu maal gashado oo lug ku yeesho wayn dalka soomaaliya.sidaa daraadeed Puntland waa gobolada uugu badan ee aadka loo danaynayo dhanka kaluumaysiga iyo khayraadka dabiiciga ah ee kale sida saliida cayriin.Fursad wayn bay u ahayd dr gaas imaan shihiisii finland. waxaa guul ah in puntland ay heshay xiriir fiican oo dhex mara Finland kaasoo dr gaas aqoon tiisa iyo fir fircoonidiisa leh soo jiida shada caalamka kasakoow ay door wayn ka qaateen isku xirka Finland iyo puntland jaaliyada puntland ee dagan halkaan oo ka tirsan dalada wayn ee ururada jaaliyadaha puntland ee qaaradan yurub ku midaysan yihiin ee loo soo gaabiyo PEDAN. dhanka kale PEDAN waxaa lagu yagleelay dalkan Finland caasimadiisa Helsinki.

Waxaan leenahay dr gaas iyo waftigiisii iyo aqoon yahanada halkaan ku sugan ee dalLadu waxay wada gaareen hormar iyo guul ku timid wada shaqayn iyo mid nimo tanoo sare u qaadaysa mustaqbalka jaaliyada puntland ee finland iyo dawlada puntland. maxaayeelay waxay kawada shaqaynayaa maslaxada shacabka puntland iyo soomaaliya dal iyo dibadba.Arimo farabadan ayay isla gaareen dr gaas iyo shirkaduhu waana ku faraxsanahay dadaalkaa madaxwayne dr gaas sameeyay oo ah u adeega danta dawlada iyo shacabka puntland.

shirkii wuxuu kusoo dhamaaday guul iyo is afgarad.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE