Faafaahinno Laga Helaayo Qarax Ismiidaamin Ah Oo Galabta Ka Dhacay Magaalda Muqdisho

Wararka ka imaanaya magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax xoog leh uu goor dhow ka dhacay makhaayad ku taalla  ka soo horjeedka shirkada Somali Furits gaar ahaan agagaaarka dekedda weyn ee magaaladda Muqdisho.

Wararku waxay intaa ku darayaan inaysan weli cadayn in qaraxa uu ka dhashay   baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay wadada dhinaceeda ama qof Naftii hure ah  oo isku qarxiyay goobta.

Kooxaha gargaarka deg deg ah ayaa gaaray goobta uu qaruxu  ka dhacay, waxaana la soo sheegay inay jiraan dad wax ku noqday qaraxaas.

Warar hordhac ah soo baxaya ayaa xaqiijinaya in ku dhawaad 6 qof ay dhinteen tiro intaas ka badana uu dhaawac soo gaaray.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE