Maamulka Cusub Ee Gobolka Banadir Muxuu Tusaale U Noqon Karaa……..?

Kadib guushii shacabka Soomaaliyeed ay heleen 8 Feberaayo 2017 ee lagu doortey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed, wuxuu soo magacaabey Raysalwasaare aan horey loo saadaalin kaas oo ka baxsan beelihii la sadaalinaayey in raysalwasaaruhu ka imaanayo marka la eego qaabka ay u rakiban yihiin beelaha Soomaaliyeed.

Markii Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu magacaabey Xasan Cali Kheyre ayaa nin si weyn u yaqaanaa ii sheegay in Madaxweynuhu doonayo qof shaqeyn kara ee aanu dooneyn magac u yaal uu isagu shaqada qabto.

Isbeddelka u danbeeyey ee Dowladda federaalka ayaa ah dhismaha maamulka cusub ee gobolka Banaadir, taas oo tusaale u noqon karta halka Xukuumadda Xasan Cali Kheyre u socoto.

Magaalada Muqdisho waa xudduntii dalka, waa caasimaddii Jamhuuriyadda Soomaali oo dhan la doonaayo in ay u sinaato, waxay ahayd magaalo lawada dhistey dalkana hooyo u ahayd, inkasta oo wixii ka danbeeyey 1991 ay ahayd mid ay ka dhaceen dulmi iyo gabood fal aad u weyn taas oo ay la wadaageen magaalooyin kale ee dalka ku yaala, inkasta oo Muqdisho ahayd midda ugu daran. Sida uu qabo dastuurku Muqdisho waxay yeelanaysa xeer u gaar ah oo caasimadeed, inkasta oo ay jiraan qolyo weli u qayliya in caasimaddu ku dulman tahay Federaalka oo aysan helin metalaad, dadkaas oo aysan jirin qoondo labada aqal ee Baarlamaaanada uga maqan oo ay u doodayaan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa habeenkii xalay ku dhawaaqey liiska guddoomiyaasha 15 degmo ee Muqdisho, waxaana ka muuqdey isbeddel, iyada oo markii u horeysey liiskan ay ka soo muuqdeen xubno cusub oo xaq u leh in ay caasimadda wax ka maamulaan kuwaas oo deegaano caan ah oo taariikhi ahaa ku lahaa Muqdisho welina ku leh. Waxay u badan yihiin guddoomiyaasha cusub dhalinyaro, haween iyo rag isugu jira leh aqoon iyo waaya aragnimo. Inkasta oo weli isbeddelkaani aanu gaarsiisneyn sidii ugu wanaagsaneyd ee maqaamka caasimaddu ayaa la dhihi karaa waa bilow u baahan in horey loogu socdo.

In Caasimadda loo yeelo weji Soomaaliyeed waxay shacabka ku abuureysaa kalsooni taas oo ah furaha dowladnimada Soomaalidana ka maqneyd.

Talaabada Dowladda federaalku qaadey ee isbeddelka maamulka caasimadda ayaa ah mid si weyn loo soo dhaweeyey, taas oo tusaale u noqon karta dhamaan maamulada dalka ka jira ee iska leh caasimaddaha heer dowald goboleed oo aan weli yeelan maqaam caasimadeed.

ISHA Horseed Media

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE