Maleeshiyada Alshabaab Oo Xabsiga Dhigtey Cabdiraxmaan Taliyow Nuur Oo Ka Mid Ahaa Garsoorassha Shabaab (XOG)

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka heleyno Alshabaab dhexdeeda ayaa ku waramaya in maanta xabsiga la dhigay Cabdiraxmaan Taliyow Nuur oo ka mid ah Garsoorayaasha Alshabaab ee ka sheqeeya Shabeelada hoose.

Xogta aan heleyno ayaa ku warameysa in Cabdiraxmaan Taliyow laga qabtey deegaanka Jilib Marko, waxaana qabashadiisa sababtey sida aan wararka ku heleyno tuhun soo galay Mobelka gacanta ee uu isticmaalo.

Horjoogayaal kasoo jeeda Beelaha Gaaljecel iyo Habargidir oo ku sugnaa deegaanka Jilib ayaa Ninkan uga shakiyey in xiriir uu la leeyahay Odayaal maalmo ka hor lagu xirey deegaano ka tirsan Shabeelada hoose, waxaana Odyaashaas ku jira Odey ay xidid yihiin Cabdiraxmaan Taliyow.

Cabdiraxmaan Taliyow Nuur lama oga ilaa hadda meel lagu haayo oo uu ku xiranyahay, waxaana wararka ay tilmaamayaan in lasoo wadey deegaanka Jilib oo lagu qaadey Gaari Muraayadahiisu madow yihiin.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE