Meydadka Alshabaab Oo Caawa Bilqan Degmada Nambar 50 Iyo Jabkii Ugu Cuslaa Oo Lagu Gaarsiiyey Dagaalkii Caawa Ay Soo Qaadeen

Maleeshiyada kooxda alshabaab ayaa dagaal culus caawa maqribkii kusoo qaadey degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose, halkaas  dagaal faraha looga gubtey ay kula galeen Ciidamada Maamulka Nambar 50.

Ciidamada Maamulka oo iska caabin adag kala hortagay Alshabaab ayaa waxayku guuleysteen in ay jabiyaan kuwii weerarka soo qaadey, waxaana markii dambe lala aadey dhinaca waqoooyi Bari ee degmada oo ku aadan deegaanka Aaboocow.

Dagaalka oo qaatey dhowr saacadood ayaa Maleeshiyada naf-lacaariga ah ee Alshabaab lagu qasbey in ay dib uga gurtaan halka markii hore weerarka ay kusoo qaadeen, waxaana jabkooda uu gaarey ilaa deexda Muuri.

Inta la xaqiijiyey ilaa lex Meydad ah ayey uga carareen goobta dagaalka, waxaana laga furtey hub isugu jira rasaas iyo qoryo, iyadoo tirada qorayahay warar is khilaafsan uu kasoo baxayo, warbixnta qaar ayaa sheegaysa in ilaa afar qori  oo nooca K47 ah la furtey halka warka qaar uu tilmaamayo in la furtey seddax qori.

Geesiyaasha deegaanka ayaa tiro meydad ah u qaadey dhinaca Garoonka Nambar 50 si ay ugu indha doogsadaan Shacabkii barakiciisa ay sababeen Maleeshiyan caawa quur baxay.

Taliska Ciidamada Maamulka Nambar 50 ayaa sheegay in shir jaraa’id ay ku dul qaban doonaan Meydadka caawa bilqan degmada gudaheeda iyo banaankeeda, waxaana ay intaa raaciyeen in ay soo banddhigi doonaan hubka ay furteen.

Waxaan akhristayaasha u balan qaadeynaa in aan ku dadaali doono sidii aan usoo gudbin laheyn Sawirada Meydadka caawa la haayo

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE