Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Dalka Oo Booqanaya Saldhigga Ay Ku Xareysanyihiin Maleeshiyadii Laga Saarey Magaalada Muqdisho

Ra’isalwasaaraha xukuumadda dalka Xasan Cali Kheyre iyo xunbo ka tirsan Golahiisa wasiirada ayaa saacadaha soo socda waxa lagu wadaa in ay gaaraan Garoonka diyaaradaha Ciidamada Cirka ee Balli-doogle.

Xero Ciidan oo ku taalla Garoonka Balli-doogle ayaa dhawaan la geeyey Maleeshiyaad looga soo cabsadey amaanka magaalada Muqdisho,  waxaana halkaas loo geeyey sida la sheegay in ay qabsadaan dhulka ay maamulaan Shabaab.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa arimaha uu u tagaayo Balli-doogle lagu sheegay dhiiro gelinta Maleeshiyaadkaas, waxaana uu halkaasi kaga dhawaaqi doonaan howlgal ka dhan ah kooxda Alshabaab.

Garaoonka Balli-doogle oo ay ku xareysanyihiin Maleeshiyada laga saarey magaalda Muqdisho iyo kuwo kale oo tawabar ay siiyeen Ciidamada cadaanka ee halkaasi degan ayaa maalmo ka hor waxa booqdey saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE