Taliye Cabdiqaadir Bagaaf “Nambar 50 In La Gubo Waxa Kasoo Horeysa In Anaga Aan Dhamaano, Alshabaab Niman Ilaahey Soof-kooda Soo Laabay Waaye, Diin Gedisan Ayey Wataan”

Col Cabduqaadir Maxamed Cusmaan (Bagaaf) oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada Maamulka Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada Hoose islamarrkaana maanta ka mid ahaa Geesiyaashii casharka u dhigay Maleeshiyada Alshabaab ayaa ku goodiyey in ay qaadi doonaan tallaabooyin hor leh oo ay ku baacsanayaan Alshabaab.

Marka hore waxa uu ka hadlay sida uu ku bilowdey dagaalkii galabta, waxaana uu faafaahinayaan nooca dagaal ee ay la galeen Shabaabkii wax soo weeraray, waxaana uu sheegay in cashar ay u dhigeen Maleeshiyaad lasoo qaldey.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE