Daawo Meydadka Maleeshiyadii Alshabaab Ee Xaley Lagu Laayey Duleedka Degmada Lambar50 Ee Gobolka Sh/hoose(Sawiro)

Habeenkii xaley waxaa uu dagaal culus ka dhacay deegaano duleedka ka xigo degmada Lambar50 ee gobolka Sh/hoose. Dagaalka waxaa soo qaaday maleeshiyada kooxda Alshabaab oo doonayey inay dhac ka geystaan deegaanadan isla markaasina gubaan guryaha dadka shacabka.

Ciidmada ammaanka Maamulka degmada Lambar50 ee gobolka Sh/hoose ayaa dagaal kulul kala hortagay maleeshiyada hororka ah ee Alshabaab isla markaasina jab culus gaarsiiyey, waxaana laga dilay Alshabaab 6 ka tirsan maleeshiyadoodii dagaalka soo qaaday kuwaasoo ku taamaayey inay Amiiradii soo dagaal geliyey dib ugu laabtaan iyagoo badqabo.

Shabakadda Markacadey.com waxay idiin soo bandhigeysaa qaar ka mid ah meydadka maleeshiyadii xaley laga dilay Alshabaab oo isha ay qabaneyso. Waxaan ka gaabsaneynaa inaan idiin gudbino Meydad kale oo Shabaabka laga dilay kuwaasoo indhaha aan sii karin maadaama jjirkoda si xun ay jarjartay rasaastii ay la dhaceen ciidamda maamulka degmada Lambar50 intii ay wada dagaalamaayeen.

Hoos ka daawo Meydadka maleeshiyadii xaley laga laayey Alshabaab

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE