Wararkii Ugu Dambeeyey Xaaladda Degmada Nambar 50 Iyo Deeganad Hoose Yimaada

Waxa degan xaaladda degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose, ka dib dagaal culus oo dhowr saacadood qaatey oo ay soo qaadeen Maleeshiyada Kooxda Alshabaab.

Dagaalka oo dhacay Xalay ayaa waxa jab culus mar kale dhabarka loo saariyey kooxda caadeysatey barakcinta Shacabka aan hubeysneyn, waxaana halkii xalay lagu dagaalamay ay uga carareen ilaa Lex Meyd ah iyo tiro qorya ah oo ay wateen, waxaana maanta Meydadka lagu soo bandhigey degmada Nambar 50.

Ciidamada amaanka maamulka Deegaanka iyo saaxiibadooda AMISOM ayaa saake kormeer ku tagay deegaanada deexda ah ee dhinaca Bari kaga yaalla Nambar 50, waxaana ay soo indha indheeyeen wadooyinka iyo goobaha ay soo maraan Maleeshiyaadka Shabaab.

Waxa heegan ku jira Ciidamada Maamulka Degmada ilaa wadada dheer ee xiriirisa ilaa Gandaawi, waxaana si dhow ay ula socdaan dhaqdhaqaaq walba oo ay sameeyaan Alshabaab, waxa suuragal ah in Alshabaab ay soo qaadaan dagaallo ay ku qarinayaan jabka is daba jooga ah ee soo gaaraya.

Dhinaca kale waxa jira Meydad cusub oo saake laga helay meel deexda ah oo ilaa afar Km u jira Nambar 50, waxaana dadkaas ay gaarayeen ilaa shan ruux oo mid ka mid ah la gowracay, waxaana meydadka ku jirey laba qof oo dhuxuley ahaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE