Dhageyso Eng Cabdulaahi Buuni “Dowladda Madaxweyne Farmaajo Iyo Xasan Cali Kheyre Waxaan Uga Digayaa Wadadii Ay Ku Fashilantey Dowladdii Iyaga Ka Horeysey”

Eng Cabdulaahi Xasan Macallin Buuni oo ka mid ah aqoonyahaanada Beesha Biimaal ee qurba joogta ah ayaa fariimo kala duwan hawada u marey Beesha iyo guud ahaan cidda ay quseyso xaaladda adag ee ay wajahayaan Shacabka Gobolka Shabeelada hoose.

Aqoonyahaan Buuni ayaa marka hore Shacabka ugu hambalyeeyey Bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan, waxaana uu u duceeyey dadkii laga dhacay xoolaha iyo kuwii laga afduubtey deegaanadooda.

Dhinaca kale waxa dhaliil iyo amaan uu usoo jeediyey Dowladda Madaxweynaha uu ka yahay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo sidii laga filaayey maahee si kale loo arko maadaama ay ka gaabisey wax ka qabashada xaaladihii deg dega ahaa sida la dagaalanka kooxda Alshabaab.

Xukuumadda Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu kaga digey fashilka Xukuumadihii ka horeeyey tan hadda jirta, maadaama intooda badan ay ka gacan bidixeeyeen Shacabka lagu dulmay Gobolka Shabeelada hoose.

Fariin dheer oo uu diraayo Aqoonyahaan Cabdulaahi Xasan Macallin Buuni halkan hoose ka dhageyso

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE