Dhageyso Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Siyaasadd Nambar 50 Cabadow Abuukar Axmed Oo War Culus Kasoo Saarey Dhaca Iyo Afduubka Lagu Haayo Deeganada Beesha Biimaal

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca Siyaasadda Degmada Nambar 50 ee Gobolka Shabeelada hoose Cabdow Abuukar Axmed Ayaa waxa uu si adag uga hadlay dhaca, afduubka iyo barakcinta lagu haayo qaar ka mid ah deegaanada Beesha Biimaal.

Mudane Cabdow ayaa marka hore ka hadlay dhaca xoolaha iyo sida ay baayaca ugu yihiin suuqyada Gobolka, waxa uu fariin uu u jeediye Ganacsatada damaca uu ka haayo in ay iibsadaan xoolahaas, ayna ku helaan qiima aad jaban, waxa uu uga digey in xoolahaas ay faraha kala baxaan.

Waxa uu amaanay Shacab badan oo ku dhaqan degmooyinka Janaale iyo Awdheegle aoo ka xishoodey in ay xalaaleystaan Xoola lasoo dhacay, hase ahaatee waxa uu ku hanjabay in meel kasta ay uga daba tagi doonaan ciddi uu hunguri ka galo.

Shacabka ayuu faray in ay sabraan kuna sabraan bilashada Bisha Ramadaan oo fadliga bishaasi darteed dadkii la gumaadey alla bedel kheyr qaba uu siinayo, Geesiyaasha deegaanka ayuu ugu baaqey in ay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara jab ciidan ama sumcad xumo deegaaka usoo yahata. isagoo si cad u sheegay in ay guusha iyo nasriga uu yahay mid u muuqdo deegaanka.

Gudoomiye Cabdow Abuukar ayaa dhaliilo kala duwan ussoo jeediyey Dowladda Fedaraalka iyo Maamulka Shariif Xasan, oo kaalintii laga sugaayey gabay, waxa dhinaca kale marmarsiyo cidla ah uu ku tilmaamay isbaaro qaadka iyadoo ay jiraan dhibaatooyin waxqabad mudan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE