Dowladda Turkiga Oo Shaacisey In Ciidamo Gaar Ah Ay Usoo Direysa Dalka Soomaaliya

Dowladda turkiga ayaa shaacisay in  300 askari oo ka tirsan millateriga oo isugu jira tababarayaal iyo ciidamo si gaar ah u tababaran ay u soo dirayaan magaaladda Muqdisho bisha August ee sanadkan

Safiirka dowladda Turkiga u  fadhiya Magaaladda Muqdisho Olgan Bekar oo waraysi siiyay Jariida Daily sabax ee ka soo baxda Turkiga, ayaa sheegay in bisha september si rasmi ah loo furi saldhiga milateriga ee ay ka hirgaliyeen duleedka caasimadda Muqdisho, islamarkaana la bilaabi doono tababarada la siinay ciidamadda Soomaalida ah.

Wuxuu sheegay in turkigu doonayo in caawiyo dowladda Soomaaliyeed si ay dib ugu soo celiso awoodii dowladnimo iyo kala dambayntii iyo isxukunkii.

Gabagabadii, Dowladda Turkigu waxay magaaladda muqdisho ka dhistay saldhigi ugu weyn ee milateri oo meel ka baxsan wadankeeda ka dhisto, waxaana la filayaa in lagu tababaro ilaa 3000 askari oo Soomaali ah , kuwasoo ka kala imaanay dhammaan goboladda Dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE