Fadliga Iyo Axkaamta Soonka W/Q C.raxmaan Axmed Garaad Soofe

HORDHAC : Alle ayaa mahad oo dhan iska leh ina soo gaadhsiiyey Bishii Ramadaan ee barakaysnayd, sida aan rajaynayno, dadkii hore ee wanaagsanaa waxa ay lixda bilood ee Ramadaan ka horeeya Alle ka baryi jireen in uu Bisha Ramadaan caafimad qab ku gaadhaan, lixda bilood ee bisha Ramadaan ka danbeeyana waxa ay Alle ka baryi jireen in Soonkii iyo camalkii ay sameeyeen bishii Ramadaan dhexdeeeda Alle ka aqbalo.

XUKUNKA SOOMKA

Bisha Ramadaan in la Soomo waa waajib dusha ka saran qof kas oo muslim ah, qaangaadh ah caqlina leh.

Waxaana la waajib yeelay Soonka sanadkii labaad ee hijriga, daliilada ku tusinaya waa jibnabada soomkuna waa ay badan yihiin waxaanna kamid Aayadda 183 ee suuradda AL-baqara.

Nebiguna (naxriis iyo nabad gelyo dushiisa ha ahaatee) waxa uu tilmaamay in Islaamka shan tiir lagu dhisay oo kala ah tawiidka oo lagu dhawaaqo, Salaadda oo la oogo, Zakadda oo la bixiyo, Bisha Ramadaan oo la Soomo, iyo in lasoo xajiyo guriga Alle ee barakaysan qofkii awooda.

Hadaba qofkii ka taga shantaa mid ka mid ah waxa uu lamid yahay guri shan tiir leh oo mid kamid ahi dumay.

Sidoo kale Xadiis ayaa tilmaamaya inuu Malaku Jibriil uu habaaray qofka iska dayaca ee ka faa’idaysan waaya Bisha Ramadaan uuna yidhi: (Alle Naarta ha ku fogeeyo qof Bishii Ramadaan soo gaadhay oo aan loo denbi dhaafin) Nebiguna (SCW) waxa yidhi (Aamiin).

Maxay kula tahay qof Malaku Jibriil oo malaa’ikta ugu fadli badani uu habaaray Nebi muxamed (SCW) oo basharka ugu fadli bandanna uu Aaamiin yidhi.

DADKA UU SOONKU KU WAAJIBAY WAA KUWEE?

Soonku waxa uu ku waajibay dadka shuruuddan laga helay:-

1: Islaamnimo: gaalka wax soon ah laguma laha ilaa uu ka soo islaamo.

2: Caqli: qofka waalanna wax Soon ah laguma laha.

3: Awoodis: qofkii aan awoodi Karin soonka, sida ka xanuunsan iyo kii aadka u da’da waynaa soonku waajib kuma aha.

4: Inuusan qofku Musaafir ahayn: qofkii safar ku jira soonku waajib ku noqon maayo.

Laakiin haddii uusan soonku wax dhib ah usoo jiidihin qofka uuna awoodi karo wuu soomi karaa.

5: Gabadhu waa inay daahir ka tahay dhiiga caadada iyo ka dhalmadaba.

6: Qaangaadhnimo: Qofkii isagu aan qaangaadh ahayn Soon laguma laha.

laakiin waxaa fiican inuu soomo qofka aan qaangaadhka ahayni si uu ugu sii tababarto soonka, waalidkana waxaa laga rabaa inay caruurta amraan soonka.

Saxaabadu (Alle haka raali noqdee) waxay ahaayeen kuwo caruurtooda amra soonka marka ay u adkaysan kari waayaanna waxay ukeeni jireen wax ay ku ciyaaraan oo ay ku mashquuliyaan ilaa ay qorraxdu ka dhacayso.

WAXYAALAHA QOFKU UU KU QAAN GAADHO.

Waxaa jiro calaamado lagu garanayo qofku inuu qaangaadhay soonkiina uu ku waajibay waxaana kamid ah:-

A: Qofku inuu gaadho 15 sano jir.

B: In qofka ay ka soo baxaan timaha hoose (shiciro)

C: In ay Qofka ka yimaadaan biha Manidu.

D: haddii ay gabadhtahay in ay dhiigga Caadada hesho.

FADLIGA SOONKA IYO WAXYAALAHA UGAARKA AH.

Bisha Ramadaan waa bil aad u fadli badan qofka bishaa haleela kana faa’idaytaana waa qof Alle khayr balaadhan waa fajiyey, waxaana ka mid ah khayraadka ay leedahay Bisha Ramadaan:-

1: Soonku waxaa uu kordhiyaa korna uqaadaa qofka Alle ka cabsigiisa, qofkuna waxa uu ugu dhowaadaa Allihii abuuray taas oo sabab unoqonaysa in uu qofku Aakhiro iyo Adduunba liibaano.

2: Soonku waa gaashaan qofku ka xigsanaya Naarta kana difaacaya maaalinta Qiyaame.

3: Dadka Soomaa waxa uu ay leeyihiin Albaab ugaar ah oo ay Janada ka galaan kaas oo ladhaho Rayyaan cid aan iyaga ahayna kama gasho sida uu Nebigu (naxariis iyo nabad gelyo dushiisa ha ahaatee) uu tilmaamay, taasna waxay ku tusinaysaa sharafta ay Alle hortii ku leeyihiin iyo sida uu ujecelyahay.

4: Soonka waxaa lagu dhaafa danbiyadii qofka ka dhacay intii labada Ramadaan u dhaxaysay sida ay Axaadiis saxiix ah ay tilaamaayso, Nebigu (naxariis iyo nabad gelyo dushiisa ha ahaatee) waxa uu yidhi: (Qofkii sooma Bisha Ramadaan isaga oo Iimaan leh ajarna dalbaya waxaa loo dhaafaa wixii horu maray denbiyadiisa)

5: Soomku waxa uu ushafeeco qaadaa maalin Qiyaame dadkii soomi jiray Nebigu (naxariis iyo nabad gelyo dushiisa ha ahaatee) waxa uu yidhi: (Soomka iyo Qur’aanku way u shafeeco qaadayaan Addoonka maalinta Qiyaame, Soonku waxaa uu odhanayaa Rabbiyoow waxaan udiiday cuntadii iyo wixii ay naftiisu jeclayd maalintii ee iga ergo aqbal, Qur’aankuna waxaa uu odhanayaa Rabbiyoow waxaan Habeenkii udiiday hurdadii ee iga shafeeco aqbal) markaas ayaa laga aqbalayaa oo ay u shafeeco qaadayaan dadkii ehelka u ahaa.

6: Dadka soomaa marka ay rabigood la kulmaan waa ay farxaan wax argagax ahna lama kulmaan, Nebeguna (SCW) waxaa uu yidhi: (Qofka sooman laba farxadood ayaa usugnaaday: marka uu Afurayo wuu farxaa marka uu Alle hortagana soonkiisa ayuu ku farxaa)

7: qofka sooman ducadiisa waa la aqbalaa inta uu ka Afurayo

9: Bisha Ramadaan SHayaadiinta ku wooda madaxa adag oo dhan waa la xidhxidhaa taas oo ah fursad muhiim ah oo mudan in laga faa’idaysto.

10: Bisha Ramadaan Albaabada Janna ayaa la furaa kuwa Naaartana waa la xidhaa.

11: Bisha Ramadaan waa bishii Qur’aanka lasoo dejiyey waana sharaf ay la dheertay bilaha kale oo dhan, sidaas awgeed qofka muslimka ah waxaa laga rabaa inuu Qur’aanka iyo akhrintiisa badiyo Bisha Ramadaan.

12: Bisha Ramadaan waxaa ku jira Habeenka la dhaho Laylatul Qadriga oo ah habeen aad uqiima badan cibaadada Habeenkaas la cibaadaystaana waxay ay ka khayr badan yahay kon Bilood oo kale cibaadadood.

ADAABTA LAGA RABO QOFKA SOOMMAN

Waxaa jira arimo qofku haddii uu dhaqan geliyo sabab unoqonaya in Ajarka soonkiisii oo dhamays tiran loo qoro haddii uu ka taga keeni kara in Ajarka laga nuqsaamiyo waxaana ka mid waxyaalahaas:-

1: Inlaga dheeraado wax kasta oo xun laguna dadaalo waxyaalaha wanaagsan idilkood Nebigu (naxariis iyo nabad gelyo dushiisa ha ahaatee) waxaa uu tilmaamay dad aan soomkooda Haraad iyo Gaajo mooyaane wax kale ka faa’iidinhin waana kuwa iyaga oo sooman aan iska dhowrin laqwiga iyo xumaha kale.

2: In la Saxuurta waqtiga suxuurtana la dibdhigo, oo lagu beego qaybta ugu danbaysa habeenka 3:00Am – 4:20 Am inta udhaxaysa Nebeguna (naxariis iyo nabad gelyo dushiisa ha ahaatee) waxa uu yidhi: (Suxuurta Suxuurta waxaa ku jira barako) barakadaas waxay noqonaysaa qofku marka uu Suxuurto Maalintii oo dhan waxa uu ahaanayaa mid firfircoon oo aan gaajo la ildarnayn, Qur’aan akhris iyo cibaado badanna awoodi kara.

laakiin haddii uu ka tago waxa uu noqonayaa mid daallan maalintaas oo dhanna iska jiifo lagana yaabo in salaadaha jamacoodu uu ku dhaafo hurdo iwm.

3: In Afuraadda la dedejiyo, isla marka la hubsado inay qorraxdii dhacdayn ama Adaanka lamaqlo horay wax laga cuno, Nebiguna(naxariis iyo nabad gelyo dushiisa ha ahaatee) waxaa uu yidhi ( dadku khayr kama suulayaan inta ay Afuraadda dedejinayaan) sida sunna ahna waa in  Afuraadda lagu bilaabo Rudab ( timirta curdan ah) hadii lawaayana Timir hadii lawaayana Biyo.

4: In la ducaysto xilliga la Afurayo Nebiguna (naxariis iyo nabad gelyo dushiisa ha ahaatee) waxaa uu tilmaamay qofka sooman xilliga uu afurayo inaan la radin ducadiisa oo laga aqbalo.

5: In dadka masaakiinta ah la afuriyo inta aad awoodi karta Ajar wayna waa laga helayaa arinkaas.

6: in Sadaqada la fara badiyo Nebigu (naxariis iyo nabad gelyo dushiisa ha ahaatee) Bisha Ramadaan waxay ay xilliga uu ugu wax bixinta badanyahay.

7: in layska ilaaliyo xunta, cayda, aflagaada, in wax xun ladaawado, ama waqtiga wax bilaa faa’iido ah lagu lumiyo sida Laadhuuda iyo waxyaalaha lamidka ah, xitaa hadii uu qof ku caayo waxaa uu Nebigu (SCW) tilmaamay in lagu dhaho waan soomanahay.

8: In Qur’aanka akhrintiisa la badiyo ugu yaraan maalintii hal jus la akhriyo si aad udhamaysid bisha Ramadaan hal mar.

Dadkii wanaagsaa ee hore Bisha Ramadaan waxa ay ugo’i jireen akhrinta Qur’aanka, qaarkood ayaa 7 cashaba mar dhamaynjiray qaarna 3 cashaba mar, qaarna 10 cashaba mar halka qaarkood laga sheego inay maalin walba dhamayn jireen.

9: In cibaadada lagu dadaalo, sunayaasha la badiyo, maalinta iyo habeenka oo dhan khayr lagu camiro.

10: In Alle loo toobadkeeno denbi dhaafna la waydiisto Bishanna waa Bishii denbi dhaafka.

WAXYAALAHA SOONKA JEBIYA AMA BURIYA.

1: Cunista iyo Cabista oo si ula kas loo sameeyo, laakiin haddii uu qofku isaga oo ilowsan wax cuno ama cabbo waxba kama yeelayso soomkiisa Alle ayaana quudiyey oo waraabiyey qofkaas.

2: Kulanka ay kulmaan ama ay isu tagaan laba jinsi (lab iyo dhedi) xalaal ha isu ahadeen ama yeysan isu ahaan.

3: In uu qofku iska keeno biyaha Manida qaabka uu doono ha umaree, sida inuu xaaskiisa lafara ciyaaro ama uu gacanta isticmaalo.

Laakiin haddi biyaha Manidu ay si dabiici ah isaga yimadaan sida in ay qofka oo hurda ka yimaadaan soonka kama jebinayso.

4: In uu qofku iska matajiyo si ula kas ah.

laakiin hadii uu matagu ka xoog bato qofka wax dhib ah kama yeelayso soonka.

5: in ay gabadhu hesho dhiigga Caadada ama dhiigga dhalmada.

6: In qofka sooman dhiig lagu shubo ama Irbad cunto ama nafaqo ah lagu mudo.

Irbada aan wax naqo ah lahayn waxna aan gelihin qofka jidhkiisa waxba kama dhibayso iyadu.

DADKA SOONKA BISHA RAMADAAN LAGA CAFIYEY.

1: Qofka xanuunsan, labo ayaana loo kala qaadaa qofka xanuunsan.

A: Qaf xanuunsan oo la rajayno in uu ka buksoodo xanuunka qofkaas wuu Afurayaa maalimhii uu afurayna dib ayuu ka qalaynayaa markaa uu caafimaadkiisu usoo noqdo, laakiin haddi uu xanuunku iska fududyahay oo qofku awoodi karo soonka waxaa fiican inuu iska soomo.

B: Qof xanuunsan oo aan soonka awoodin rajana aan laga qabin in uu ka buksoodo, sida dad waawayn ee da’da ah qofkaas wuu iska Afurayaa wax qalle ahna lagama rabo, laakiin maalin walba waxaa laga rabaa inuu quudiyo qof miskiin ah taas oo bedel ka ah soonkii.

2: Qofka masaafirka ah Safar salaadda la gaabin karo SHaafiyaduna waxay ku qiyaasan ilaa 81 km in uu gaadhsiisanyahay, qofkaas wuu Afuri karaa hadhowna waxaa laga rabaa qalle.

3: gabadha dhiigga Caadada heshay ama kii dhalmada wax soon ah laguma laha, laakiin intii ay afurtay hadhow marka uu dhiiggu ka go’ waxaa laga rabaa qalle.

4: Gabadha uurka leh ama ilamaha nuujinaysa waxaa u banaan inay ufurto haddii ay Nafteeda ama Ilmaheeda ubaqdo,

Nafteeda oo keliya hadday ubaqdo waxaa lagaa rabaa qalle keliya intii ay afurtay.

Haddii ay Ilmaha ubaqdana waxaa laga rabaa qalle sidoo kale waxaa laga rabaa inay maalin walba miskiin quudiso.

5: Ilmihii yaraa ee aan qaangaadhin isna soonku  waajib kuma aha.

laakiin in uu soomo laguna tarbiyadeeyo ayaa wanaagsan haddii uu awoodi karo.

6: Qofka waalan isna soon laguma laha, haddii alle caqligiisa usoo celiyana wax qalle ah lagama rabo.

7: Qofkii dareema gaajo iyo harraad aad udaran naftiisana khatar uga baqa, wuu Afurayaa hadhowna wuu soo qalaynayaa.

WAXYAALO QOFKA SOONKIISA AAN WAXBA YEELIHIN.

1: Cadayga: qofka sooman wuu cidayan karaa xilliga uu doona, wanaag mooyane wax uu yeelayaa ma jiro.

2: Qubayska: qofka sooman waa uu qubaysan karaa waqtiga uu ubaahdo.

3: Haddii uu qofku wax cuno ama cabbo isaga oo ilowsan waxba kama mayeelayso soonkiisa saan horay isoo tilmaanay.

4: candhuufta dabiiciga ah ee aan xaako gaadhsiisanayn qofku soonkiisa waxba mayeelayso loomana baahna in qofku qoyaanka yare e udareemaba uu tufo oo afka iska qalajiyo.  وبالله التوفيق وإليه المرجع والمآب

Qore:  Cabdiraxmaan axmed garaad soofe

Email: cabdigaraad2016@gmail.com

Tell: 0634490880

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE