Golaha Amaanka Oo Midowga Afrika U Ogolaadey In Soomaaliya Keenaan Ciidamo Dheeraad Ah

Golaha Amaanka ee QM ayaa u ogolaaday Wadamadda Xubnaha ka ah Midow Afrika in ay Ciidamo geynkaraan Soomaaliya Illaa iyo Bisha 31 August ee Sanadkan.

Qaraarka ay Soo saareen Golaha Amaanka ee Qm oo Tirsigiisu ahaa 2355  ayaa lagu yiri “waxaa la go,aamiyay in xaaladda Soomaaliya ay wali Qatar ku tahay Nabadda Caalamka iyo Amaanka Gobolka” waxaana Qaraarkaaas si loo dhanyahay u qaatay 15 ka Xubnood ee Golaha amaanka ee QM sida uu dhigayo Cutubka Todobaad ee Dastuurka QM.

Goluhu waxaa uu sidoo kale Go,aansaday in Howlgalka Midowga Africa ee Soomaliya AMISOM uu ku koobnaado Tiradda ugu Badan ee  Hadda loo ogolyahay oo ah 22,126 Askari oo labisan dharka Ciidamadda, Sidoo kale waxaa Howlgalka loo ogolaaday in ay Qaadaan Dhamaan Talaabooyinka lagama Maarmaanka ah si ay Waajibkooda u Gutaan.

Golaha amaanka ayaa si gooni ah uso Hadal Qaaday waajibaadka AMISOM ee Quseeya Yareeynta Qatarta Al-shabaab iyo Ururadda kale ee Hubeeysan ka Imaaneeysa iyo Xasilinta Xaaladda Amaan iyo midda siyaasadeeed ee Soomaaliya.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE