Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Puntland Oo Xukunno Dil Ah Ku Filisey Shan Nin Oo Al-shabaab Ah

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Puntland ayaa maanta xukun dil doogasho ah ku riday Shan nin oo dhawaan ciidamada amaanka Boosaaso ku qabteen gaari iyo Qaraxyo ay wateen oo ay qorsheynayeen inay ku qarxiyaan qeybo kamid ah magaalada.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Col, C/fitaax Xaaji Aadan oo ku dhawaaqay xukunka maxkamada ayaa  sheegay in dhalinyaradan ayaa ka hor qirteen maxkamadda iney wateen walxahan qarxa ,qorshahooduna ahaa iney qaraxyo ka geystaan qeybo kamid ah magaalada Bosaso.

Magacyadada dhalinyarada ay dilka ku xukuntay maxkamaddu ayaa lagu kala magacaabaa:

  1. Ibrahim Maxamed Cashuur 20 jir ah ku dhashay Afgooye
  2. Cabaas Ibrahim Yare Aadan 26 jir ah ku dhashay Baydhabo
  3. Dhaqane Aadan Cabdi Xadsan 20 jir ah ku dhashay Qansax-dheere
  4. Aadan Nuur Aadan Cali 27 jir ah ku dhashay Baydhabo
  5. Nuur Cabdi Aadan Isaaq 22 jir ah ku dhashay Aw-diinle

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE