Mid Ka Mid Ah Odayaashii U Afduubnaa Maleeshiyada Alshabaab Oo Ku Dhax Geeriyoodey Xabsiga

Xabsi ku yaalla deegaanka Mubaarag ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa waxa ku geeriyoodey mid ka mid ah Odayaashii u afduubnaa Maleeshiyada kooxda Alshabaab.

Ninkan da’diisa lagu qiysaasey 60 sano jiraa ilaa 62 sano ayaa waxa lagu magacaabi jirey Raagow Walaal Hilow, waxaana ninkan laga qabsadey deegaanka Buul-xamaali oo ka mid aheyd deeganadii habeenno ka hor Afduubka laga geystey.

Sida warbxinno hoose lagu helay Marxuum Raagow ayaa u geeriyoodey Gaajo darteed, ka dib markii laga soomiyey raashiinka, waxaana hadda cudurka gaajada la il daran ilaa afar qof oo ka mid ahaa Afduubanayaasha ay xoogga ku qafaasheen Alshabaab.

Dhinaca kale waxa laga deyrinaa inta badan dadka xabsiga ku jira oo la sheegay in cuduro kala duwan uu haleelay, ka dib markii lagu xirey xabsi yar oo nadaafaddiisa ay wanaagsaneyn, mana jiraan wax raja ah  oo xagga caafimaadka ah oo laga qabo inay helaan maxaabiista.

Marxuum Raaxgow Walaal Hilow ayaa noqonaya maxbuuskii ugu horeeyey ee ku geeriyooda xabsiga ku yalla deegaanka Mubaarag, Marxuumka ayaa ka mid ahaa 42 qof oo u badan Odayaal waaweyn oo habeenkii arbacada ay afduubteen Alshabaab.

Maleeshiyada kooxda Alshabaab ayaa isla habeenkaas dhacay in kadan badan 3000, oo xoolo ah oo isugu jira Lo’, Geel iyo Ari, xoolaha qaar ayaa lagu kala iibsadey suuqyo ku yaalla Shabeelada hoose halka kuwa ugu badan ay ku xeranyihiin deegaanka Hanti-wadaag ee duleedka degmada Janaale.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE