Nin Macallin Dugsi Ah Oo Lagu Magacaabo Maxamed Macallin Baallow Ayaa Lagu Diley Deegaanka Ceelwareegow

Maxamed Macallin Baalow oo lagu naaneeso Macallin Ameeriko ayaa waxay lagu dilay deegaan u dhow deegaanka Ceelwareegow oo lagau magacaabo Garasweynow.

Sida ay noo sheegeen dadka deegaanka Garasweynow Maleele Ninkan ayaa waxa uu ka mid ahaa Macallimiinta dugsi Qur’aan halkaasi ku haaysey, waxaana xalay Gurigiisa ku toogtey Maleeshiyaad la tuhunsanyahay inay ka tirsanyihiin Alshabaab.

Deegaanka dilka uu ka dhacay oo inta badan ay joogin wax rag ah ayaa Meydadka Marxuumka waxa saake soo qaadey haweenka deegaanka ah, iyadoo ay xiranyihiin dad badan oo isugu jira Odayaal iyo dhalinyaro.

Deegaanka Garasweynow oo laamiga uga beegan dhinaca Koonfur ayaa waxa uu ka mid yahay deegaanadii dhawaan dhaca iyo afduubka ay ka geysteen Maleeshiyaadka kooxda Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE