Sicir-Barar Xagga Khudaarta Iyo Caanaha Oo Laga Dareemayo Suuqyada Magaalada Marka

Waxa inta badan laga barakacaydeegaano badan oo hoos taga degmada Janaale ee Gobolka Shabeelada hoose, waxaa  deegaanadaas adeegyada ka yimaada ku tiirsanaa Shacabka magaalada Marka iyo nawaageeda.

Waxyaabaha ugu badan ee deegaanada Janaale hoos taga laga heli jirey ayaa waxa ka mid ahaa Khudaarta kala duwan oo deegaanka uu hodan ku yahay iyo Caanaha Xoolaha sida Geelka iyo Lo’da.

Sicir bararkan aan qiyaas iyo xad laheyn ayaa waxa laga dareemayaa dhamaan suuqyada ku yaalla magaalada Marka, waxaana lacago qaali ah la siisanayaa Khudaarta xilligan talla iyo caano si dhib ah magaalada kusoo gaara.

Tusaale ahaan qiimaha Bocor Katiitow ayaa suuqa wuxuu ka joogey 5 kun oo shilin Soomaali, waxaana hadda qiimihiisa uu gaarayaa  ilaa 16 kun oo shilin Soomaali, Liin dhanaanta ayaa hashii xabo ku dhow in lagu kala iibsado laba kun oo shilin, meelaha qaar waxay ka tahay laba xabo seddax kun.

Waxa aad u yar in la helo Yaanyada, dhinaca kale Caanaha Xoolaha ayaa qiimihii abid ugu badnaa lagu kala iibsanayaa, waxaana dhalo Caana oo Lo’ ah ay  ka joogtaa Suuqa 18 kun, halka Geelka uu ka badanyahay.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa dhacay xoolihii ugu badnaa ee lagu dhaqan jirey deegaanada hoos taga magaalada Marka iyo degamada Janaale, waxa deegaanada ka barakacay dadkii ku dhaqnaa ee haweenka u badnaa halka Raga ay u afduubanyihiin Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE