Warbaahinta Sharta Ah Ee Shabelle Oo Warar Been Abuur Ah Caawa Ka Sheegtey Degmada Nambar 50 Iyo Maamulka Deegaanka (Akhriso)

Waxa degan xaaladda deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose, oo weeraro joogta ah ay ku hayeen Maleeshiyada kooxda Alshabaab.

Hase ahaatee warbaahinta cadowga deegaanka ee horey loogu bartey faafinta Been abuurka iyo buunbuuninta Kaaba Mooryaanta ayaa caawa warar aan sal iyo raad laheyn ka sheegtey xaaladda Degmada Nambar 5o, iyagoo xigasho been abuur ah ka sameeyey Gudoomiyaha Degmada.

Warkan caawa lagu baahiyey Warka habeennimo ee Idaacadda Shabelle ee soo gala 7-Fiidnimo, islamarkaana lagu qorey Wabseedka ay ku leeyihiin Barta Internedka ayey ku sheegeen in weerar madaafiic iyo mid toos ah lagu qaadey saldhigyo ay leeyihiin Ciidamadam Maamulka iyo kuwa AMISOM.

Halkan Riix Si Aad U Akhrisid Been Abuurka Warbaahinta Ah Ee Shabelle

Dhowr FM oo ku hadla afka Mooryaanta Gobalada dhexe ayaa saameen ku lahaa dagaalada dhul ballaarsiga ah ee ka socdey Gobolka Shabeelada hoose, waxaana warbaahintaas ay u sameysanyihiin in afka ay ku taageeraan Mooryaanta Beeshooda kasoo jeeda.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE