Xiisad U Dhaxeysa Isbaarooley Oo Ka Taagan Deegaano U Dhaxeeya Shalambood Iyo Danow

Xiisad u dhaxeysa Laba Maleeshiyaad oo isbaarooley ayaa waxay ka taagantahay deegaano u dhaxeeya Shalambood ilaa deegaanka Danow oo ku yaalla Koonfurta wadada dheer ee laamiga ah.

Labadan kooxood ayaa in mudda ah heshiis ku ahaa seddax Isbaaro oo tiilay Shalambood, Kabtaanka iyo Danow, hase ahaatee waxa dhawaan soo dhex galay hungur weyne, iyadoo lagu heshiin waayey lacagaha baadda ah ee laga qaado dadka wadada ku safraaya.

Maleeshiyaad ku heyb ah Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose Ibraahim Najax oo horaantii sanadkii 2013-kii la bahoobey Mooryaanta Habargidir ayaa markan laga fara maroojiyey xoolihii yaraa ee ay ka heli jireen Issbaarada ay heshiiska ku ahaayeen.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Maleeshiyada ku abtirata Beesha Garre ay fariisin ka sameysteen deegaanka Buufow-Cusbooley oo wax yar u jira degmada Qoryooley, waxaana garab la’aan iyo hiillo daro ay ku waayeen dhul muddo ay shirka kula ahaayeen Mooryaan Gobolada dhexe.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE