Ciidamadii Lagu Sheegi Jiray Mogdisho Ilaa 30,000 Oo Askari Oo Laga Helay 1500 Askari Kaliya!! 1(Warbixin)

Waxaan in yar iftiiminaynaa xikmada ku jirta cinwaankaa korkuxusan.Dawladii mudane xasan shiikh waxay dalka ka shaqaynaysay mudo 4 sanadood ah taasoo uu ka horeeyay shiikh shariif.Labaduba waxay qorteen ciidamo ay ku sheegi jireen tiro aad ufarabadan oo ah 2500 ilaa 30 000 oo askari.haba ahaadeen ciidan aan isku dhafnayn oo beel ubadan,hayeeshee waxaa loogu yeerayaa halkan ciidan qaran.ma oranayno way guul daraysteen laakiin waxaan leenahay maysan isku taxalu jin isku dhaf ciidan qaran oo ka kooban soomaali oo dhan.ciidamadan xoogoodu waxa uu joogay gudaha MOGDISHO. hadana amaanka magaaladu waxa uu ahaa mid aad moodo in wax ciidan dawladeed oo amaanka qaabilsaniba aanu joogin oo kale.Macnahu waxaa weeye waxaan u aqaan anigu shaqsiyan yalaxoow system oo ah nin waliba cidii uu dili karo hadilo,ha dhaco,hakufsado iyo wixii lamid ah iyadoon la eegaynba maxaa xaq ah? maxaase xaqdaro ah? maxaa xalaal ah? maxaase xaaraan ah.? maxaa diini tahay? maxaa dal yaha? maxaase dad yahay? maxaa………. maxaa …….. maxaa?

Yalaxoow systemkaa waxaa dalka soomaaliya uu ku jiray 1991-7.2.2017.Hadaba maankaaga ku hay,marka duul ciqaabi u timaado xukaam ama madax xun baa u kacada bulshadaas.dhanka kale markii wanaag lala doonana madax wanaagsan ayaa ilaahay u dhiibaa.Maanta markii dalka illaahay u dhiibay FARMAAJO ee ku xijiyay KHAYRE  ee baarlamaankii noqday dhalinyaro iyo waayeel timihii cadaadeen oo wadani ah ayaa illaahay dalkeena la doonay jid saxa iyo nabad iyo barwaaqo.Dawladan oo dhan ayaa amaanan FARMAAJO waa horseedaha iyo hogaanka dawladan ee waxa hareera taagan rag la qiima ah oo la fikir ah oo wada wadaniyiin ah.Markiiba madaxwaynuhu waxa uu amray in lamideeyo oo laysku dhafo oo la sameeyo ciidan qaran maadaama aan beel iyo gobol gaar ahi noqon karin ciidan qaran.

Markiiba dad siyaasada looga adkaaday oo ku dhuumanaya inay saacadaan hab beeleed shacabka ku kiciyaan ayaa afka furtay oo yiri ciidamada MOGDISHO ayaa la diidayaa oo kuwo kale ayaa la qorayaa.waxay aad uugu doodeen ciidamadan tirada badan ee kumaan yaalka ah aaba joogee maxaa laga rabaa ciidan kale qoridiis? Waxay shacabka is yiraahdeen ku jahawareeriya oo ka horkeena dawladan ay jecel yihiin ee illaahay siiyay ee doorashada iyo xalaasha ku timid taasoo shacabku rabaan.Madaxwaynihii ayay ku been abuuranayaan.

Ilaahay ayaa ceebtoodii fashilay madaxwaynuhu waxa uu iclaamiyay in dagaal lagalayo oo nabadiidka lala galayo argagixisada ah.waxa uu cadeeyay in ciidamada MOGDISHO jooga aan lakala diraynin ee ay noqonayaan ciidamada ka hortagaya cadawga oo difaacaya dadkooda iyo dalkooda dawladuna siinayso mushaharadooda waa joogayaan ciidankana waa la qorayaa marwalba oo majiro tiro inoo go an oo meel taal. warkii waa cadaaday ufiirso sheekadaa! Markii layiri ciidamada waa imisa tiradoodu waxay yiraahdeen waa 27000  (labaatan iyo todobo kun)oo jooga mogdisho oo ah milatariga kaliya laguma darin nabad sugid iyo booliis. waxay yiraahdeen ciidamadan waa ciidamo qaran hala keeno mushaharkoodii.waa la bixiyay hayeeshee maxaa dhacay weeye.

Abaan duulaha ciidanka milatariga soomaaliyeed oo fulinya awaamiirtii dawlada ee ahaa go aan madax wayne iyo iclaamin in laga layo dagaal adag oo dalka lagaga xoraynayo kuwa soomaali dulaytay.ayaa yiri wixii ciidan milatari ah waa inay ka baxaan MOGDISHO waxaana loo dhaqaaqayaa shabeelada hoose dagaal baana lagalayaa iyo tababar dagdag ah.waxaa dhacday ceeb tii uugu waynayd oo ah MOGDISHO oo dhan waxaa laga helay 15000 oo askari kaliya!!!!!!!!    kuwaas oo Abaan duule caanood la aaday tababar iyo dagaal dalka lagu nabadeeynaayo.macnuhu maha in xataa 1500 ee askari ay yihiin deegaanka MOGDISHO waxa ku jira oo lagu daray inta u badan oo laga keenay gobolada dalka laakiin maadaama MOGDISHO laga helay oo kaliya kun iyo shanboqol waxaan ka dhigaynaa si aan u asturo inay intani yihiin reer MOGDISHO kaliya. su aashaa waxay tahay aaway 30,000? aaway kuwii miiska garaacayay ee lahaa ciidanka mogdisho la ma rabo waa lakala diraa? aaway ninkii ciidanka u barooranaayay ee dadka kicinaayay?

Dhabtaa waxay tahay nin waliba qorigiisii iyo hubkiisii buu haystaa mogdisho ayuuna la dhex fa dhiyaa isagoo ku gumaadaya dhiiga shacabka iyo maalkoodaba.dadka wax laayaa waa iyaga qaybta uugu wayni waana dawlad diid sidaa shabaab.marabaan dawlad iyo in shacabka masaakiinta ah ee MOGDISHO dagani nabad helaan hal habeen.waxay la shaqaystaan shabaab iyo gumaystaha shisheeyaha ah.

Gunaanad

Waxaa laga baxay xiligii qabiil dadka walaalaha ah ee soomaaliyeed lagu kicin jiray.maanta waxaa isla wada socda dawladii iyo shacabkii oo isku duuban diyaarna u ah inay helaan dalkoodoo nabad ah dawlad nimo sharaf iyo karaamo.dadka soomaaliyeed waa isku mid maha in cadaw laysaga dhigo oo sidaa u silicsanaadaan mudo dheer. waxay rabaan caafimaad,waxay rabaan caruurtooda wax barta,waxay rabaan nabad,waxay rabaan soomaalinimo. waxaan xusayaa dadka u dhashay MOGDISHO ee nadiifta ah soomaalida ah wadaniga ah ee u taagan in MOGDISHO la nabadeeyo maadaama ay tahay muraayadii soomaaliya laga daawanaayay,in dadkii soomaaliyeed si nabad ah nin walbaa uugu noolaado dadka u dhaxayso walaalo ilaahay sidaa lagu wada ahaado oo dalka aynu cadawga shisheeye kawada ilaashano ayaa la rabaa.dadku madawada xuma yaa ka wadanisan KHAYRE yaa ka wadanisan DUQA MAGALADA THABID.

Laakiin inta xun ayaa ceebaysay MOGDISHO maha dadkoo dhan.hadana waa ka baxaynaa dhibka gacmaha aan is qabsano cidkastoo ka hortimaada in soomaaliya hesho dawlad shaqaysana ogaada haduu walaalkaa hooyadaa dhashay yahay waa cadawgaa.maanta been way dhamaatay iyo tol baa nahay waxaa larabaa qaranimo iyo dawladnimo iyo soomaali nimo taasaa deeqda dadkeena oo dhan.waxaan leeyahay shacabka MOGDISHO wanaagii iyo daris nimadii iyo soomaalinimadii lagu yaqiinay hala soo noqdaan sidan ceeb weeye MOGDISHO maqabato walaalayaal.fiiro gaara dadkaan marwalba ku dhaganahay waa inta xun ee diidan danteena guud inta kale waa muwaadiniin sharaf baan u hayaa ogaada.khaa inu wadan markaan cayrsanayo maha in aan cida u dan leeyahay sida dadka qaar wax u arkaan.mida kale waan sheegaa inta xun waxay joogaan hargaysa,galkacayo,kismanyo,baydhabo,jawahar,garoowe laakiin iyagu madagana caasimad indhuhu hayaan oo soomaaliya u xayiran tahay oo muraayadii ah.ninka dagan caasimada xilgaara oo aad u culus ayaa ka saaran umada soomaaliyeed oo soowada eegaysa isaga.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE